Culumaa’udiinka Ahlusuna oo sheegay in labo sarkaal ka tirsan Shabaab ku xireen Tuulooyin ka tirsan Galgaduud
Taliska ciidanka Ahlusuna Wal-jameeca ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Tuulooyin ka tirsan Galgaduud.
Sida uu saxaafada u sheegay taliyaha ciidamada Ahlusuna ee Dhuusamareeb Farxaan Macalin Cali ayaa sheegay in raggan laga soo qabtay tuulooyin hoos yimaada, kadib markii ay ku soo wargeliyeen dadka deegaanka.
“Dadku waa is yaqaan, hade nimankaan waxay ahaayeen dad la yaqaano oo saraakiil waanu soo qabanay”ayuu yiri Farxaan Cali.
Waxaa uu sheegay in haatan ay ku jiraan xabsiga dhexe ee magaalada isla markaana dhowaan la hor geyn doono maxkamad.
Dhanka kalana masaajid ku yaala magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga soo saaray walxaha qarxa kuwaasi oo aanan la ogeyn cida gelisay sida uu sheegay Mr Farxaan.
Ahlusuna iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaxeeya cadawtinimo, waxaana dagaal ku saleysan mabda,a diineed oo dhexdooda ka bilowday sanadki 2009 uu galaaftay nolosha boqolaal dhalinyara ah oo u kala dagaalameysay.
"