|

Wararki ugu dambeeyay shirka saxiixayaasha uga socda magaalada Nairobi iyo khilaaf u dhaxeeyay madaxda

Iyadoo maanta lagu wado in la soo gaba gabeeyo shirka saxiixayaasha Road Map-ka uga socda magaalada Nairobi ayaa waxaa soo baxaya khilaaf u dhaxeeya xubnaha saxiixayaasha oo ku aadan arrimaha Dastuurka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shalay kulanka aan la isku fahmin, iyadoo laga jeediyay ilaa sodon bog oo ahaa qoraalka dastuurka, waxaana xalay o idil socday kulamo la isugu dab qaadayay dhinacyada saxiixayaasha.

Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayaa ah labada mas’uul ee sida adag isugu haya arrimaha dastuurka, gaar ahaan nuqul cusub oo dastuurka oo ay wataan wasiirka dastuurka, madaxweynaha Puntland iyo ra’isal wasaaraha.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha laga yaabo inuu isaga soo baxo shirka maanta, iyadoo wali uusan ku qanacsaneyn habka wax loo waday oo ahaa mid uu aad uga carooday.

Madaxweynaha ayaa doonaya in qabyo qoraalkii hore dastuurka la soo bandhigo, lana qaato dastuurkaas, iyadoo Ra’isal wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland labadaba ay wataan dastuur kale oo la habeeyay kadib shirkii Addis Ababa.

Arrimaha oo idil ayaa waxay noqdeen kuwo hareeyay shirka iyo habkii uu ka socday, waxaana saxiixayaasha Road Map-ka u muuqdaan kuwo aad isugu haya arrinta dastuurka.

Xubnaha beesha caalamka iyo diblomaasiyiinta ayaa dhankooda aad isugu dayaya in arrinta ay xal ka gaaraan, isla markaana todobaad gudihiis lagu soo bandhigo dastuurka.

Comments are closed