Shirka London ee Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintiisa labaad galay
Waxaa maanta lagu wadaa in lasii ambaqaado shir shalay uga furmay meel ka baxsan magaalada London Somaliland iyo Somalia, iyadoo shirkii shalay uu ahaa mid saxaafada laga fogeeyay.
Shirkan ayaa ka furmay shalay guri ku yaala dibada magaalada London oo uu ku nasto xoghayaha arimaha dibada Britian, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.
Labada dhinac ayaa shalay fool ka fool isu qaabilay iyaga oo aanan horumar sidaasi u balaaran ka gaarin kulanka.
Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn natiijada shirka sababo la xiriira xog aysan wali bixin ka qeybgalayaasha, ayaa hadana waxaa la rajeynayaa in maanta war kasoo baxo.
Gaba gabada shiran ayaa la rajeynayaa in dhinacyada ka qeybgalaya ay kasoo saaraan warmurtiyeed.
Madaxda labada dhinac ayaa iyana la leeyahay waxay ka qeybgali doonaan shirka, halka warar kale ay dhahayaan waxay si gaar ah isugu qaabili doonaan dalka Imaaraadka Carabta.
"