|

Maamulka Gobolka Hiiraan oo faah faahin ka bixiyay waxyaabo qarxa lagu diyaarinayay Guri ku yaal B/weyn

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guri ku yaal magaalada B/weyn, kadib markii ciidamada dowladda howl galo shalay gelinkii dambe ka sameeyeen ku soo qabteen.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee xaga ammaanka Axmed Cismaan cabdalla (Axmed Injir) ayaa sheegay in howl galkan uu ka dambeeyay markii ciidamada lagu soo wargeliyay in waxyaabo qarxa lagu diyaarinayay guri ku yaal xaafad ka mid ah B/weyn.

“Ciidamada nabadsugida waxay howl gal qorsheysan ku qaadeen guri lagu farsameynayay waxyaabaha qarxa, gaadiid lagu diyaarinayay in ismiidaamin lagu sameeyo”ayuu yiri Axmed Injir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaraxa ahaa mid diyaarintiisa ka socotay guri aqal ahaa, oo la sheegay in laga ijaaray nin dhowaan yimid, waxaana uu xusay in ninkaas iyo ninkii guriga ka kireeyay ay soo qabteen.

Axmed Inji ayaa intaa ku daray in howl galkan uu ahaa kii u horeeyay ee ciidamada ku guuleystaan, markii ay shacabka ku soo war geliyeen, isagoo xusay in waxyaabihii qarxa ee u badnaa gumaca Hoobiyaha ay ku wareejiyeen Ciidamada Itoobiya sida uu yiri.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan B/weyn ay wadeen howl galo ammaanka lagu sugayay, waxaana maalmahan ammaanka uu ahaa mid ka soo reynayay.

 

Comments are closed