Abuu Muscab “Waxaa weeraro Kamiin ah ka fulinay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye”
Afhayeenka Kooxda Shabaab ee dhinaca dagaalada u qaabilsan C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegtay in weeraro qorsheysan ay saacadihii u dambeeyay ka fuliyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
“Waxaan shalay dhowr weerar oo kamiin ah ka fulinay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, gawaari badan Tikniko ahaa ayaa wadada u galnay, qasaare ayaana gaarsiinay”ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa xusay in weeraradaas ku dileen ilaa dhowr askari ka tirsan dowlada, waxaana uu xusay in weerarkii koowaad ay ka fuliyeen deegaanka Xaawo Cabdi sida uu yiri.
“Weerarki u horeeyay waxaa uu ka dhacay halka la yiraahdo Xaawo Cabdi, meeshaas waxaa ku dilnay sideed askari, mid waxaa uu ahaa sarkaal”ayuu yiri.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa beeniyay sheegashada Shababa, iyagoo cadeeyay in aanu jirin wax weeraro ah oo ka dhacay dhabaha u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Al-Shabaab ayaa tan iyo markii laga qabsaday degmada Afgooye iyo deegaanada isku xira Muqdisho Afgooye, waxay wadeen weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ahaa.
"