Golaha Wasiirada oo shir deg deg ah ka yeeshay ammaanka Magaalada Muqdisho
Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayniyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. CabdiweliMaxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta amniga Muqdisho, sidii looga hortagi lahaa bar-koontoroolada ku soo badanaya magaalada muqdisho Road Map-ka, iyo halka ay marayaan maamul u samayntagobolada laga xoreeyey Al-shabaab.
Ugu horeyntii shirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta amniga magaaladaMuqdisho iyadoo hay’addaha qaabilsan amniga ay sheegeen in amniga Muqdisho uuaad u soo hagaagayo balse dhanka kale ayjiraan bar-koontoroolo aan sharci ahayn kuwaas oo kusoo badanaya magaalada Muqdishowaxaana goluhu si buuxda isugu raacay in la sameeya gudi baaritaan ku sameeya goobahaay yaalaan bar-koontorooladaas si loo ogaado kuwa loo dhigay dhanka amniga iyokuwa gawaarida looga qaado lacagaha sharci darada ah.
Sidoo kalewaxaa golohu is ku soo qaaday sidii loo dar dar galin lahaa arimaha RoadMap-ka, iyadoo waqtiga haray lagu dhamaystirayo howlaha horyaala xukuumadawaxaana golohu si buuxda isugu raacay in la sii wado saxitaanka iyo xalintakhilaafadka beelaha qaar ka dhexjira si Odayaasha Dhaqanka u gudo galaan soogudbinta ergada ansixinta Dastuurka.
Sidoo kalegoluhu wuxuu warbxin kadhagaystay gudi wasiiro ah oo loo xil saaray kasoo talobixinta sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada gacanta dowladda kusoo laabtaywaxaana gudigaas talo kusoo jeediyeen:
In maalmulo KMG ah loo sameeyo gobolada ku soo laabtay gacanta dowladda.
in bulshada qaybaheeda kala duwan lagala tashto maamul u samynta gobolada.
in dib loo howl galiyo goobihii caafimaadka.
in bulshada la wacyi galiyo sidii ay dowladda ugala shaqayn lahaayeen nabad galayada.
Ugu danbayntii waxaa goluhu isku soo qaaday hantida gaarka loo leeyahay oo la kalahaysto sida guryaha iyo beeraha wuxuuna goluhu kasoo saaray qodobadan hoose kuxusan:
In ay danbi tahay in qof haysto hanti gaar loo leeyahay.
In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa.
·in hay’adaha amniga iyo cadaaladda ay u howl galaan sidii loo fulin lahaa qodobadakor ku xusan.
—-DHMAAD—-
"