Saraakiil ka tirsan AMISOM oo kula kulantay B/weyn Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan
Saraakiil ka tirsan AMISOM oo shalay gaaray degmada B/weyn ayaa shirar ammaanka looga hadlayay la qaadatay saraakiisha maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha AMISOM balan qaadeen in ciidamo dheeraad ah ay keeni doonaan.
Kulankan oo ka dhacay xarunta maamulka ayaa waxaa intii uu socday la is dhaafsaday talooyin la xiriira ammaanka, waxaana saraakiisha AMISOM ay sheegeen in dhowaan ay qaadi doonaan howl galo.
Ku simaha Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ahna gudoomiye Kuxigeenka Mr Axmed Inji ayaa sheegay in kulankooda uu ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah, isla markaana qorshaha ugu weyn ahaa sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa.
“AMISOM waxay halkan u timid inay taageerto dowladda, cadawga aan leenahay waa argagixisada, kuwaas inaan meel uga soo wada jeesano ayaa go’aan ku gaarnay”ayuu yiri Axmed Inji.
Magaalada B/weyn ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada ay ka qeyb qaataan howl galka gobolada dhexe ka socda.
"