|

Khilaaf ku saabsan Dastuurka oo soo kala dhex galay madaxda dowladda & Gudiga madaxa banaan oo eedeeyay Wasiirka Dastuurka (Warbixin)

Waxaa saacadihii la soo dhaafay cirka isku shareeray khilaaf baahsan oo madaxda dowladda soo kala dhex galay, kadib markii la isku qabsaday Dastuurka oo ay soo baxayaan nuqulo kale oo dastuur qarsoon ah.

Inkastoo shalay ay dib u dhacday soo bandhigistii Dastuurka ayaa hadana waxay la xiriirtay dib u dhacaas arrimo farsamo iyo khilaaf madaxda dhexdooda ahaa.

Kulamo saacadihii u dambeeyay ka soconayay Madaxtooyada ayaan ilaa iyo hada wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay isku hayaan arrimo badan.

Warar ay heleyso Dalkanews.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ka biya diidan yahay dastuur la soo diyaariyay kadib shirkii Addis Ababa, kaasoo ay wataan Wasiirka Dastuurka, Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland.

Xubnaha Odayaasha dhaqanka ee u fadhiya shirka soo xulista ergooyinka ayaa sheegay in aanay aqbali doonin hadii Dastuur aan aheyn kii ay wadeen gudiga madax banaan ee dastuurka ay qaadici doonaan.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhowaan warqad ka soo baxday Xafiiskiisa ku kala diray Gudiga madax banaan ee Dastuurka, hase ahaatee waxaa taas ganafka ku dhiftay Madaxweyne Shariif, markii waraaq ka soo baxday Xafiiskiisa lagu cadeeyay in aanu sharci aheyn inuu kala diro wasiirku gudi madax banaan.

Lama oga sida xaal ku dhamaan doono, ha yeeshee waxaa muuqtaa in madaxda dowladda uu hardan kale soo kala dhex geli doono, mar hadii arrimaha dastuurka uu is qab qabsi cusub ka dhashay.

 

Comments are closed