C/raxmaan C/shakuur “Madaxda dowladda ma ahan inay noqdaan Garsoorihii iyo ciyaaryahankii, waa la socona inay saddexdooda musharax yihiin”
C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, ahna musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada dhici doonta bisha Agosto loo baahan yahay inay si cadaalad ah loogu dhiibo gudi madax banaan oo maamula howlaha doorashada.
Isagoo ka mid ahaa ilaa 7-musharax oo xilka madaxtinimada dalka u taagan ayaa shir ay shalay Muqdisho ku yeeshaan ka soo saaray talooyin la xiriira geedi socodka nabada, iyo sida looga gudbi karo xilliga KMG-nimada.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay ka war heleen in madaxda dowladda ay yihiin musharaxiin, isla markaana howsha socota ay faraha kula jiraan, isagoo ku baaqay in odayaasha dhaqanka loo madax banaaneeyo howshooda.
“Waxaan xog ku heynaa in madaxda dowladda ay musharixiin yihiin, midna wali ma sheegin laakiin xoga aanu heleyno ayaa sidaas ah, mida kale waxaa kaloo ognahay in arrimaha socda ay lug ku leeyihiin ma ahan inay noqdaan Garsoorihii iyo ciyaaryahanki”ayuu yiri Mr Warsame.
C/raxmaan C/shakuur oo horay wasiir u soo noqday ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dalka loo dhiibo maamulkooda shaqaalaha rayidka, si aanay madaxda dowladda marka ay galaan doorasho ay lacagaha u isticmaalin.
Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in howsha geeddi socodka nabada soomaaliya ay tahay mid ay gacanta ku hayaan lixda saxiixayaasha, waxaana laga cabsi qabaa in xubnaha la soo xuli doono baarlamaanka in dhankooda ka yimaadaan, si ay u doortaan iyaga.
"