|

Cali Dheere “Waxaan ku dilnay istish-haadigii ka dhacay Afgooye 80-askari oo saraakiil cadaan ku jireen”

Afhayeenka Kooxda Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerar naftii hure ah oo shalay ka dhacay degmada Afgooye ay ku dileen ilaa 80-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu galay xarun ciidamada ku lahaayeen Dugsigii sare.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas uu sidii loogu tala galay u dhacay, waxaana uu xusay in saraakiil cadaan ah ay ku dhinteen weerarkaas sida uu hadalka u dhigay.

“Camaliyadaas wuxuu Alle u barakeeyay walaal istishaahid ah, waxaa uu ahaa weerar lagu baabi’iyay cadawga, gaariga wuxuu fursad u helay in albaabka oo balaqnaa inuu galo, sideetan ka badan ayaa ku dhimatay, lixdan kalena waa ku dhaawacmeen”ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa xusay in weeraradan ay sii socon doonaan, meel walba oo ay qabsadaan, waxaana uu tilmaamay in beegsigooda uu ahaa ciidamada loo yaqaano PS-ta.

“Qolada PS-ta loo yaqaan umada dhibaatooyin ku hayeen, dhalinyaradii ayay leynayeen, haweenki ayay kufsanayeen muqdisho iyo hareeraheeda dhib badan ayay ka wadeen”ayuu yiri Cali Dheere.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegay inay fashiliyeen, isla markaana gaariga inta aanu soo gaarin goobta ay toogteen ninkii kaxeynayay.

Weerarkii shalay ka dhacay Dugsigii Sare Afgooye ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee ka dhaca, wixii ka dambeeyay markii Shabaab laga qabsaday dhamaadkii bishii la soo dhaafay.

Comments are closed