Kulan looga hadlayo qorshaha xasilinta Soomaaliya oo ka furmay dalka Jabuuti
Waxaa magaalada Djibouti, Hotelka Kempinsk ka furmay kulanka QorsheyntaXasilinta Soomaaliya oohalkaas ka socon doono muddo 4-cisho ah. Kulankan waxaasoo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana Guddiga uqaabilsan Xasilinta iyo dib u heshiisiinta (National Steering Comittee).Barnaamijka ayaa waxaa fududeeyey Hay’adda mucaawinadda Mareykanka ee USAID.
Kulankan waxaa ka qeybgalaya dhammaanqeybaha bulshada sida maamulada, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo Bulshadarayidka ee 5 Degmo oo ka kala ah Baydhabo, Baladweyne, Matabaan, Maxaas iyoCadaado. Qorshahan ayaa ah in Deegaanadaas bulshada ka socota ay soo gudbiyaanbaahiyaha adeegyada kala duwan ee ay degmooyinkaas u baahan yihiin, sida xaggabiyaha, iskuulaadka, caafimaadka, dib u dhiska wadooyinka iyo adeegyada kale eemuhiimka ah si wax lagala qabto.
Degmo walba ayaa goobta ka soojeedin doonto baahiyaheeda gaarka ah, iyadoo ay USAID dhamaadka kulankan kuyaboohi doonto dhaqaale wax looga qabanayo baahiyaha ka jira Degmooyinkaas eeay goobta ku soo bandhigi doonaan qeybaha maamulka iyo bulshada ee 5-taas Degmomatalaya.
Gudoomiyaha Maamulka GobolkaHiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay inuuahmiyad weyn xanbaarsan yahay isagoo xusay in Degmooyinka kulanka loo qabtay ayyihiin kuwo baahi weyn u qaba adeegyada aasaasiga ah ee dhanka bulshada oo ayugu danbeysay tan iyo burburkii xukuumaddii dhexe ee dalka.
“Muhimada uu noo leeyahaywaxaa ka mid ah in Gobolka Hiiraan uu ka mid noqday meelaha mashaariicdanhormarineed ee TIS ee xiligan laga fulin doono, Degmooyinkan Baladweyne,Matabaan iyo Maxaas waxay ka faaiideysan doonaan Barnaamijkan USIAD ee 5-ta sanoee Soo socta, waana soo bandhigeynaa baahiyeheena dhanka caafimaad, waxbarasho,iyo biyo iyo kuwa kale. Degmooyinkan waagoobo 20 sano aan adeegyadaas Dowlad ka fulisa helin waana noo farxad”sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.
Xaliimo Ismaaciil oo ah madaxaBulshada Rayidka Soomaaliyeed ee kulankan ka qeybgalaya ayaa iyana sheegtay inBarnaamijkan uu yahay qorshe ka dhashay guddi heer wasiir ah oo ay XukuumaddaSoomaaliya u xilsaartay dib u heshiisiinta iyo Xasilinta Deegaanada, iyadooxustay in Barnaamijkan TIS loogu magacdaray hore looga soo hergeliyay Deegaanobadan sida Somaliland, Puntland iyo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho,haatanna ay ka faaiideysanayaan Gobolada Dalka qaarkood.
“waxqabashadu waa mid ka soobilaabaneysa hoos imaaneysana kor, waagii hore waxaas haloo qabto ayaa korlooga keeni jiray laakin maanta waa wax cad oo bulshada sicad wax loogu tarayo,waxaana halkan la isugu keenay gudiyada Hiiraan, Baydhabo iyo Cadaado, waanainey baahiyahooda soo bandhigaan, waana arin qeyb ka ah Hormarka, hormarkiinawaa bilow maadaama aad u jeedaan in Dadkii deegaanada lala tashanaayo waanadadaalka ay waddo Dowladda Soomaaliyeed” waxaa sidaas sheegtay GudoomiyahaIsutagga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Mudane Xassan Macalin Axmed Biikoleoo ah Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo ka midah deeganada ay muddo 4 bil ah gacanta ku hayeen Ciimadamada DowladdaSoomaaliya iyo ciidamada deriska ah ayaa sheegay in soo nooleynta iyohorumarinta adeegyada muhiimka ah ee Degmada ay yihiin kuwo baahi weyn loo qabowuxuuna tilmaamay in Kulankan ay u soo gudbin doonaan Baahiyaha ka jiraMagaalada Baydhabo iyo Deegaamada kale ee hoos yimaada Gobolka Bay.
Shirkani oo ah mid ay kafaaiideysan Doonaan Madaxda iyo qeybaha Bulshada ee matalaya 5-ta Degmo ee kaqeybgalaya si ay baahiyahooda ugu gudbiyaan Hay’adda USAID ee Mareykanka ahayaa lagu wadaa in uu ku idlaado deeq ay si toos ah USAID ugu gudbineysoDegmooyinkan halka awal loo soo marsiin jiray hay’ado kale hergelintamashaariicda noocan oo kale ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mudnaan gaar ah siiyey sidii gobolada laga xorreeyo Al-Shabaab loogu heli lahaa dhammaan adeegyada bulshada si deegaanadaas ay u arkaan faa’iidada nabadda, isla markaana loo fulin lahaa qorshaha dowladda ee ah in deegaanada cusub la gaarsiiyo adeegyada bulshada, isla markaana beelaha deegaanka la dhexdhigo dib-u-heshiisiin waarta oo keeni karta in dadka deegaanka ay doortaan maamulkooda oo shacabka deegaanka siin kara kalsooni. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaacabay guddi heer wasiir ah oo arrimahan in muddo ah ka soo shaqeynayey.
- DHAMAAD -
"