|

Gudoomiyihii hore Baarlamaanka oo maanta lagu aasayo Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, iyadoo uu socday diyaar garow ku aadan aaska qaran ee loo sameynayo.

Xukuumada Soomaaliya oo maalin ka hor u magacawday Gudi qaban qaabada aaska qaran Gudoomiyihii hore Baarlamaanka, isla markaana muddo saddex maalin hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta Madaxda dowladda ka qeyb galaan aaska qaran.

Madaxweyne Shariif ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka geerida Gudoomiyihii hore Sheekh Mukhtaar oo labo maalin ka hor ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Mukhtaar ayaa Gudoomiye Baarlamaan ka ahaa Dowladii C/rashiid Cali Sharmaarke, iyadoo markii la dilay sanadkii 1969-kii uu noqday Ku simihii Madaxweynaha, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolada Bay iyo Bakool, isagoo ku dhashay degmada Xudur.

Aaskiisa ayaa sidoo kale la filayaa inay ka qeyb galaan Qeybaha bulshada, Culumaa’udiinka, Waxgaradka, Haweenka iyo mas’uuliyiin kale.

Comments are closed