Kooxo Hubeysan oo xalay Nin Ganacsade ah ku dilay Magaalada B/weyn
Nin ganacsade ah ayaa xalay lagu dilay magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan taasi oo kordhisay cabsi dadka nabadoonada ah iyo ganacsatada oo maalmahan ugaarsi lagu hayey.
Cabdi Goobe oo ahaa ganacsade iyo nabadoon laga yaqaano B/weyn ayaa waxaa dilay niman ku hubeesnaa bastoolado kuwaasi oo marki ay dileena goobta ka baxsaday.
Dadka magaalada ayaa aad uga naxay dilka loo geystay Cabdi Goobe, waxaana lagu wadaa in lagu aaso galbeedka magaalada B/weyn oo uu xalay falka dilka ka dhacay.
Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilkiisa ayaa ku eedeeyey ururka Al Shabab, waxa kale oo ay sheegeen in bilaabeen baaritaano ku aadan dilka marxuumka.
B/weyn ayaa waxaa maamula dowlada Soomaaliya, waxaase mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo.
"