Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciqaab adag askarigii dhac ka geysta Afgooye
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ciqaab adag dul dhigi doonto askarigi lagu helo isaga oo dhac u geysanaya shacabka magaalada Afgooye kadib marki ay soo baxeen cabasho xoog leh oo kasoo yeertay dadka deegaanka.
Dadka deegaan ayaa ka cabanaya ciidamo ku labisan dareeska ciidamada kuwaasi oo ka qaadanaya lacagaha iyo mobeelada gacan qaadka ah xiliyada habeenki iyo mararka qaar maalimaha.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise oo ay maanta wareystay BBC-da ayaa beeniyey in ay degmada ka jirto amaan daro isaga oo balan qaaday in sharciga la horkeeni doono askarigi qof rayid ah dhiba.
“Dadka shacabka dhibayey waan ka bixinay Afgooye inkasto ay jiraan dad ku dhuumaleysanaya dadka dhexdooda, anaga waxaan geynay ciidamo kala duwan waxaan geynay maxkamada ciidanka qalabka sido marka wali ma helin kiis culus laakin hadii aan helno kiis danbi ah oo geysteen ciidamada waxaan dul dhigi doonaa ciqaab culus, waxaan balan qaadayaa cidi shacabka dhibto darajaduu doonaba ha ahaadee waxaan balan qaadeynaa in aans sharciga horkeeni doon” ayuu yiri Mr. Ciise.
Inkastoo uu sidaasi leeyahay Carab Ciise, hadana waxaa jira kiisas la xiriira kufsi, dhac iyo jirdil loo geystay dad rayid ah oo ay ciidamada dowlada kual dhaqaaqeen dadka rayidka ah taasi oo ceeb ku ah dowlada.
"