Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa oo saaka la dhaawacay
Dabley Hubeysan ayaa saaka aroortii magaalada Hargeysa ku dhaawacay gudoomiyihii maxkamada gobolka, kadib markii hoygiisa ka soo baxay, kuna sii jeeday masaajidka.
Gudoomiyaha oo lagu magacaabo C/rashiid Duraan dhowr xabadood lagu dhiftay, waxaana goobta ka cararay kooxihii ka dambeeyay weerarka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulak Somaliland Maxamed Nuur Caraale ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday Gudoomiyaha, isagoo xusay inuu ku jiro Isbitaal.
Saraakiisha booliska magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu socdo baaritaan ku aadan kooxihii ka dambeeyay weerarkaas, inkastoo aan wali cid loo saarin.
Lama oga cida ka dambeysay weerarka, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa isku daygii u horeeyay ee mas’uul ka tirsan Somaliland lagu qaarijin lahaa.
Gudoomiyaha Maxkamada Hargeysa C/rashiid Duraan ayaa horay u fuliyay xukuno maxkamadeed, waxaana kii ugu dambeeyay uu ahaa midkii sanado uu ku xukumay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Somaliland oo musuq maasuq lagu soo eedeeyay.
"