Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu bilaaban doono wada hadaladii Somaliland
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inuu bilaaban doono wada hadaladii dhex mari lahaa iyaga iyo Somaliland, kadib markii dhowaan ay magacaabeen gudiyo farsamo oo wada xaajoodka u gogol xaara.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/wali Gaas ayaa sheegay in wada xaajoodka ay rajeynayaan inuu si dhaqse ah ku bilowdo, isla markaana uu yahay mid meel fiican maraya.
“Waxaan rajeyneynaa inuu dhowaan bilowdo, runtii wada xaajoodku meel fiican ayuu marayaa, maku sheegi karo, goorta ama magaalada uu ka dhici doono”ayuu yiri Gaas.
Ra’isal wasaaraha oo wareysi siiyay Raadiyaha Afka dowladda ku hadlaya ayaa sheegay in dowladda ay horumaro la taaban karo ka gaartay dhinaca amniga, isagoo is bar bar dhig ku sameeyay 12-bilood ka hor sida Muqdisho ay aheyd iyo xilligan.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa waqtigeeda uga harsan wax ka yar 90-maalmood, iyadoo bisha Agosto ay ku eg tahay xilliga KMG ah, waxaana la filayaa in la soo doorto Madaxweyne, lana dhiso baarlamaan cusub oo doorta gudoon cusub.
"