|

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna oo ka warbixiyay sababihii ay uga baxeen Ceelbuur

Saraakiisha Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ay uga baxeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, iyagoo shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe ay duulaan ugu yihiin deegaanada kale ee Galgaduud.

C/shakuur Al-Jaabiri oo ka mid ah saraakiisha Ahlusuna ayaa sheegay in xeelad milateri uga baxeen Ceelbuur, isla markaana qorshahooda yahay inay dib ugu soo laabtaan.

“Sababaha looga baxay waa xeelad milateri, waxaa socda howl gal ku wajahan bariga Galgaduud, deegaano badan ayuu qorshuhu yahay in la gaaro, marka Ceelbuur waxaa la ogaan doonaa saacadaha soo socda cida gacanta ku heysa”ayuu yiri Sarkaalkan.

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saaka gudaha u galay degmada Ceelbuur, iyagoo dadka deegaanka u sheegay inay jabeen ciidamadii ku soo duulay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labo ruux oo dadka deegaanka ka mid ahaa ay Shabaab ku dileen degmada, waxaana dilkan uu argagax geliyay dadka deegaanka.

Ciidamada is garabsanaya ee Ahlusuna iyo ciidamada Itoobiya ayaa bishii April la wareegay degmada Ceelbuur oo aheyd halka ay ku xooganaayeen Shabaab, dagaaladana ka qaadi jiray deegaanada gobolada dhexe.

Comments are closed