Al-Shabaab oo ku tilmaamay ka bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee Ceelbuur bilowga jabkii u horeeyay
Al-Shabaab ayaa ka hadashay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee ay saaka isaga baxeen degmada Ceelbuur, mid bilow u ah jabkii u horeeyay ee soo gaara, kadib dhowr bilood ka hor oo ay la wareegeen.
Afhayeenka Shabaabka Cali Maxamuud Raagge Cali Dheere ayaa sheegay in duulaanka Ciidamada Itoobiya uu hada fashil ku bilowday, isagoo qeexay inay ku go’doomiyeen magaalada intii ay joogeen.
“Duulaankii cadawga Saliibiga, hada ayuu jabkooda bilowday, maanta waxay isaga carareen Ceelbuur, waxaa dhici doonta in meelo kale ay ka baxaan”ayuu yiri Cali Dheere.
Mar uu ka hadlay sababaha ay uga baxeen ayuu sheegay in markii ay adkaatay in saanadooda soo gudbistaan, iyo wadooyinkii oo laga xiray ayuu xusay in taas ay kaliftay inay ka baxaan sida uu yiri.
“Mujaahidiinta Jabhaadka iyo dadka deegaanka ayaa dagaal dheer oo adag kadibwaxaa uu kalifay inay Ceelbuur isaga cararaan, iyagoo dhaawacooda iyo meydkooda sii wata, runtii Nasri ilaahey bixiyay waaye, Muslimiinta waa u sabreen, waana u adkeysteen”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Cali Dheere ayaa sidoo kale xusay in ka bixitaankooda ay qeyb ka aheyd inay waayeen cid ay la hadlaan, ama wax ay ka iibsadaan, taasoo uu xusay inay aheyd tallaabo ay qaadeen dadka deegaanka oo uu cadeeyay inay albaabada ka xirteen.
“dadka deegaanka albaabada ka xirteen cid la macaamisha iyo cid soo dhoweysa iyo cid la hadasha ayay waayeen, qurbo dil iyo dhaawac iyo dhiig ugu darsamay, waana ka carareen”ayuu yiri Cali Dheere oo ka soo jeeda degmada Ceelbuur.
Saaka waabarigii hore ayay aheyd markii Ciidamadii Itoobiya isaga baxeen degmada Ceelbuur, inkastoo la sheegay inay joogaan deegaano u dhow dhow Ceelbuur, isla markaana ka bixitaanku ahaa qorshe milateri.
"