|

Koobkii Qaramada Qaarada Yurub oo xalay furmay, Poland Vs Greece oo bar baro ku kala baxay iyo Ruushka oo ku dur duriyay Czech Republic

Waxaa xalay magaalada Warsow ee caasimada dalka Poland ka furmay tartanka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012 oo socon doona mudo 3 todobaad ah.

Waxaa ciyaarti hore lagu furay Polan oo tartanka la marti gelineysa dalka Ukraine iyo Greece ayaa kusoo dhamaatay 1-1 iyadoo ay rigoore iska qasaariyeen Greece.

Polan oo aad u ga fiicneyd Greak ayaa goolka la hor martay waxaana u saxiixay Lewandowski daqiiqadii 17-aad, balse waxaa ka daba tagtay Greece oo waxaa goolka bareejada u saxiixay Dimitirios Salpingidis, waxa kale oo ay heleen rigoore waxaana ka qasaariye gooldhaliyahooda Karagounis.

Labada dhinac waxaa roose ka kala qaatay daafaca Giriiga Papastathopoulos oo ah laacib horay ugusoo ciyaaray AC Milan, dhanka Polan waxaa isna calaamada cas la siiyey goolyahe Zyszkey oo u ciyaara Arsenal.

Dhanka kalana xulka Russia ayaa guul la yaab leh ku furtay ciyaarti ugu horeysay kadib marki ay 4-1 ku garaaceen Czech Republic .

Russia waxay soo saartay bandhig ciyaareed ku dhisan awood waxaana laba ka mid ah afata gool saxiixay Alan Dzagoev, goolasha kalana waxaa kala dhaliyey Aleksandr Kerzhakov Roman Pavlushenko.

Caawana waxaa la ciyaarayaa grroup-ka B, waxaana xulalka isu arki doonaan sidan:

Netherlands v Denmark

Germany v Portugal.

Comments are closed