Holland oo guuldaro lama filaan ah kala kulmay Denmarka ciyaartii dhex marta ee Koobka Qaramada Yurub (Sawirro)
Xulka Holland ee Orange lagu naaneyso ayaa guuldaro xanuun badan kala kulmay Xulka Denmark, ciyaartii u horeysay ee Group B ee Koobka Qaramada Qaarada Yurub, kadib markii 1-gool iyo waxba lagu garaacay.
Ciyaartan oo aheyd mid saadaasheeda in Holland ay badin doonto, ayaa dad badan ay lama filaan ku noqotay, inkastoo ciyaartoyda Holland ay soo bandhigeen ciyaar wanaag, hadana waxay ku guuldareysteen inay shabaqa gool dhigaan.
Bilowgi hore ciyaarta ayaa ku bilaabatay is waalkii lagu yaqaanay weeraryahanada Holland, sida Van Perise iyo Robben, waxaana fursad aad muhiim aheyd daqiiqadihii hore ee bilowga ciyaarta qasaariyay ciyaaryahanada Affelay iyo Van Persie.
Laakiin fursadahan taxanaha ahaa ee soo maray Holland waxaa fursadii u horeysay ka faa’ideysatay Xulka Holland, markii weerar lama filaan ah oo goolka Holland lagu soo qaaday uu gool cajiib ahaa goolhayaha Holland kubad xowli aheyd ka dhex bixiyay ciyaaryahanka Nambarka 9aad u sitay Denmark oo lagu magacaabo Krohn Dehli, kaasoo shabaqa ku hubsaday goolka daqiiqadii 24aad.
Goolkaas ayaa durbaba noqday mid wiishka ku yeeriyay ciyaartoyda Holland, markii looga naxsaday goolka koowaad, waxaase ay sii bilaabeen ciyaartoyda Holland cadaadiska ay ku hayeen goolka Denmark, iyagoo qaaday mowjado weeraro ah oo mid ka mid ah kubadii ugu qatarsaneyd uu birta ku dhiftay ciyaaryahan Arjen Robben.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay gool iyo waxba ay ku hogaamineysay Denmark, laakiin isku daya kasta ee ay sameeyaan ciyaaryahanada weerarka ee Holland waxaa beeninayay goolhayaha iyo daafacyada.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Holland sideedi ayay weerarka ugu bilowday, hase ahaatee Denmarka ayaa isku dayaysay inta karaankeeda ah inay daafacato goolkeeda, waxaana fursado aad muhiim ahaa qasaariyay ciyaaryahan Van Perise, kuwaasoo gool loo fishay.
Tababaraha Holland ayaa bilaabay inuu ciyaarta wax ka bedelo, waxaana uu bedel ku soo geliyay ciyaaryahanada Huntelaar, Kuyt iyo Van Der Vaart, balse waxba ma aysan soo kordhin, waxaana mid ka mid ah fursadaha ugu muhiimsanaa isaga iyo goolhayaha qasaariyay ciyaaryahan Klaas Jan Huntelaar.
Ciyaartoyda Denmark ayaa u muuqday kuwo iska caabinayay, marna kubada la qeybsanayay, hase ahaatee ciyaarta oo idil maamulkeeda waxaa heysay ciyaartoyda reer Holland.
90-kii daqiiqo ayaa ciyaarta ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo ay guusha ku raacday Denmark, waxaana ay noqotay xulkii u horeeyay ee saddexda dhibcood Group B hela, waxaana Group-kan loogu yeeray Group-ka dhimashada.
Ciyaarta labaad ayaa goor dhow waxay dhex mari doontaa Xulalka kala ah Germany iyo Portugal, waana ciyaar aad u xiiso badan oo ay iska hor imaanayaan ciyaartoy isku koox ahaa, sida Cristiano Ronaldo, Pepe, iyo Coentrao oo u dhashay Portugal iyo ciyaaryahanada Jarmalka ee ay kooxda Real Madrid u ciyaarayeen sida Sami Khedira iyo Mehsut Ozil.
By C/casiis Golf











"