|

Fu’aad Shongole “Ninkii soo sheega Obama waxaa uu leeyahay 10-neef oo geel iyo cidii qabar ka keentay Habarta uu Clinton qabi jiray waxaa la siinaa 10-Digaag ah”

Fu’aad Maxamed Khalaf oo lagu naaneyso Fu’aad Shongole ayaa ka jawaabay malaayiinka doolar ee isaga madaxiisa iyo ragga kale la dul dhigay, kadib markii bogga abaal marinta cadaalada la soo dhigay in cidii soo sheegtay 7- ka mid ah saraakiisha Shabaab lagu abaal marinayo lacag gaareysa 33-milyan.

Ina Shongole ayaa sheegay in hadii Mareykanka ay aheystaan doolar ay iyagana xoolo leeyihiin oo ay dhaqdaan, isagoo taa bedelkeed xusay inay siinayaan qofkii soo sheega Obama 10-neef oo geela iyo cidii war ka keentay Haweeneyda Arrimaha Dibada u qaabilsan Mareykanka Hillary Clinton sida uu yiri ay siin doonaan 10-digaag ah.

Fu’aad Shongole ayaa sheegay in isaga aanu is qarineyn, naf walbana ay saacadeeda dhimaneyso, isagana hadii ay tiisa gasho uu dhimanayo, waxaana uu ku adkeystay in mar walba uu xaqa adkaanayo.

“Anaga Bush ayaa dagaalka la bilownay, asiga na dili lahaa,waana isaga hari laheyn, hada oo aan daalanahay hadii malaayiin xataa madaxeena dul saareen saacadeena ayaa dhimaneyna”ayuu yiri Ina Shongole.

Inkastoo Shongole aanu is qarin jirin, fagaarayaashana ka ahaa mid aan ka baaqan ayaa soo wajahday cabsi iyo baqdin xoogan, kadib markii lagu daray liiska ragga madaxooda la baadigoobayo.

Xubnaha 7-da Xubnood ayaa bilaabay inay kala dhuuntaan, iyadoo qaarkood oo horay u isticmaali jireen taleefanada ay iska dhigeen, si aan loogu soo raad raacin.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in tallaabada Mareykanka uu malaayiinta doolar madaxooda u dul dhigay saraakiisha Shabaab ay keeni doonto culeys badan oo soo wajahda hogaamiyeyaashooda iyo dhaq dhaqaaqooda oo aad gaabis u noqonayo.

Comments are closed