Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaari doonaan deegaanada Gobolka
Kadib markii shalay cutubkii u horeeyay ee Ciidamo ka socda AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ka degeen magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan ayaa maamulka Gobolkaas uu sheegay inay Ciidamada lagu fidin doono deegaanada Gobolka.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti lagu soo dhoweeyay B/weyn, isla markaana ay ka dageen goobo muhiim ah.
“Ciidamada qeybtooda hore baa hada timid, waana afartan askari, waxay horu dhac u yihiin ciidamada soo socda oo ilaa kun askari ah, xarumihii ay degi lahaayeen ayay ugu soo hor mareen”ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.
Mr C/fataax ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonaan la dagaalanka Shabaab, isla markaana ku baahi doonaan deegaanada Gobolka sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamada waxay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka Al-Qaacida iyo kooxaha argagixisada, qorshaha AMISOM ayaa sidaas dhigaya inay nabada soo celiyaan”ayuu yiri Mr Afrax.
Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka socda Jabuuti markii u horeysay ay gaareen Magaalada B/weyn, iyagoo lagu wado in ammaanka magaalada kala wareegaan Ciidamada Itoobiya.
Al-Shabaab oo xilligan culeysyo wajahaya ayaa dhowaan gacantooda ka baxday deegaano muhiim ah sida Afgooye iyo Afmadow, iyagoo wali ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
"