Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Magaalada Nairobi
Ku dhowaad sodon ruux ayaa ku dhaawacmay qarax xoogan oo maanta duhurkii ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi, goobo ganacsi oo ku yaala Wadada Moi Avenue, iyadoo qaraxa uu bur buriyay goobo ganacsi.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dab koronta ah oo ka kacay dhismaha xarunta ganacsiga, waxaana uu dab qabsaday dhismaha oo ka baxayay uuro iyo qiic.
Kooxaha dab damiska iyo kuwa gurmadka deg dega ayaa u soo gurmaday goobta dabka ka kacay, iyagoo bilaabay inay damiyaan, sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitaalada.
Ciidamada booliska ayaa xayiray wadada bartamaha ku taal ee magaalada Nairobi, halkaasoo ah meelaha ay sida aadka ah u maraan gaadiidka isaga kala goosha Caasimada Nairobi.
Taliyaha Ciidamada Booliska Mathew Iteere ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay dab koronto, isagoo cadeeyay inay socdaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabka.
Qaraxan ayaa si aad ah maanta u samaeeyay magaalada Nairobi, iyadoo ay isugu soo baxaan bartamaha boqolaal ruux, waxaana ka hor soo baxayay shakiyo la xiriira in qaraxa ahaa mid goobta laga fuliyay oo la mid ahaa qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Nairobi.
"