Dagaalo Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Qooqaani
Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa dalka Kenya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano u dhow dhow Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo dagaalada ay ahaayeen kuwo socda muddo saacado ah.
Sida wararku sheegayaan dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimo ciidamada Kenya ku lahaayeen nawaaxiga Qooqaani.
Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad shan ruux ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen qaar kale oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.
Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku ekeeyeen fariisimo dhowr ah oo ciidamada Kenya ku lahaayeen, isla markaana madaafiic tiro ah ay ku garaaceen saldhigooda.
Dadka ku dhaqan deegaanka Qooqaani ayaa sheegaya in dagaalka saameyn ballaaran uu ku yeeshay, isla markaana xaalada saaka ay tahay mid degan, inkastoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay jiraan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa duulaan ku ah qeybo ka mid ah deegaanada Afmadow, halkaasoo Shabaabka ay weeraro kaga soo qaadeen.
"