Wararkii ugu dambeeyay Xaalada degmada Afgooye & Bandow Xalay iskeed u gashay
Xaalad degenaansho ayaa saaka ka jirta degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii shalay gacan ku heynteeda ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda.
Degmada ayaa xalay ku waabariisatay bandow ay si iskeed u gashay, markii ciidamo badan oo ka socda Amisom iyo dowladda ay buuxiyeen, waxaana ka sokow degenaanshaha laga dareemayo magaalada tahay mid saxmad ciidan ah.
Wararka saaka aanu ka heleyno degmada ayaa sheegaya in howl galo baaritaan ay ka socdaan magaalada, isla markaana ciidamada ay yihiin kuwo feejigan.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in marka ay xaqiijiyaan ammaanka degmada Afgooye ay u gudbi doonaan deegaanada kale ee Shabellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa isaga baxday degmada, markii dagaal kulul oo ka dhacay duleedka Muqdisho lagu jebiyay, waxaana Shabaabka ay u carareen deegaanada kale ee gobolaas.
Degmada Afgooye oo ah degmo istiraatiiji ah ayaa waxay isku xirtaa Gobolada Koofur, Galbeed iyo Waqooyi, waana degmo marka laga soo tago Kismaayo maamulideeda muhiim u ahaa Shabaab.
Waa Guushii ugu weyneyd Amisom ay gaaaraan tan iyo sanadkii 2007-dii markii Muqdisho yimaadeen, waana magaaladii u horeysay oo ay u tallaabaan.
"