Taliska Amisom oo sheegay in Al-Shabaab ka soo waaqsan doonin qabsashadii Afgooye
Taliska Ciidamada Amisom ayaa sheegay in Afgooye ay tahay magaalo istiraatiiji ah oo isku xirta Gobolo badan, iyagoo tilmaamay in Al-Shabaab aanay marna ka soo waaqsan doonin.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Paddy Ankunda ayaa sheegay in Afgooye ay tahay magaalada labaad oo muhiim u ahaa Shabaab, isla markaana magaalada koowaad ay aheyd Kismaayo.
Paddy Ankunda ayaa tilmaamay inay xaqiijin doonaan ammaanka, isla markaana ay sii socon doonaan howl galada inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay maamulaan.
Waxaa uu sheegay in dadkii barakacayaasha ee ku dhaqnaa Afgooye ay yihiin kuwo laga dulqaaday culeyskii saarnaa, wixii hada ka dambeeya ay heli doonaan gar gaar bani’aadanimo.
Dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in Shabaab ay lumiyeen magaalo muhiim oo istiraatiiji ah, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay sahlanaan doonto in laga qabsado magaalooyin kale.
"