|

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo saaka ka jira wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa qorsheynaya weeraro ay ku qaadaan degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan laga dareemayo wadada aada dhanka Balcad.

Sida wararku sheegayaan saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay ka go’an tahay inay saacadaha soo socda qaadaan duulaan la mid ah kii Afgooye ku qabsadeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qorshaha ciidamada uu yahay mid bilow u ah weerar xoogan oo lagu qaado degmada Balcad, halkaasoo Shabaabka ay ku sugan yihiin.

Ciidamada dowladda ayaa ku sugan deegaanka Darmooley ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo ay qorsheynayaan in duulaanka ka qaadaan.

Sidoo kale wadada aada dhanka Barsa ee Balcad gasha ayaa iyana qorshuhu yahay in ciidamada ay ka galaan, si Al-Shabaab uga saaraan, waxaana duulaankan oo labo weji ah u muuqdaan mid la jaan-qaadaya kii lagu qabtay Afgooye.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay inay qabsan doonaan deegaanada gobolkaas, marka uu bilowdo howl gal ay ugu magac dareen xoreynta Shabellaha dhexe.

 

Comments are closed