|

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo caawa ku hoyanaya afaafka hore ee degmada Afgooye

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa caawa ku hoyanaya afaafka hore ee degmada Afgooye, iyagoo fariisimo ka sameystay Koontaroolka Baar ismaaciil.

Ciidamada is garabsanaya oo labadii maalmood ee la soo dhaafay soo maray jid qarda jeex ah ayaa ugu dambeyn galabta gaaray Baar Ismaaciil, waxaana ciidamada ay soo jiireen jid dheer oo howd ah.

Xildhibaan Cali Afgooye oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha ugu jiraan Afgooye, qeybtooda kalena ay joogaan banaanka.

“Hada aniga banaanka ayaa joogaa Baar ismaaciil, ciidamada waxay ku jiraan gudaha qeybo ka mid ah, ilaa caawa waa rajeyneynaa inaan galno”ayuu yiri.

Sidoo kale Abaanduulaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in wax dagaal ah aanay la kulmin, isla markaana ay sii socon doonaa ilaa ay uga daba tagaan meel walba oo alshabaab joogaan.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay inta badan deegaanadi ay ka talinayeen, markii culeys ballaaran uga yimid ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya.

Horumarkan ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay ka gaaraan dagaalada, iyagoo tahay markii u horeysay ee meel ka baxsan Muqdisho ay qabsadaan.

 

Comments are closed