|

War murtiyeed laga soo saaray shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka

Waxaa goor dhaweyd lagu soo gaba gabeeyey magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya shir sadex maalin uga socday halkaasi caawa ugu soo gabagaboobay.

Shirkaan oo marki uu dhamaaday kadib laga soo saaray war murtiyeed ayay dhinacyadi ka qeybgalay ku heshiiyeen 16 qodob oo dhamaantood muujinaay in laga baxo KMG ah loona gudbo dowlad sax ah.

Waxaa ugu muhiimsanaa warmurtiyeedka soo baxay qodob ka hadlaya jadwalka lagu socon doono si looga gudbo xaalada KMG ah kaasi oo taariikkeynaya sida shaqada loo bilaabayo .

Iyadoo maanka lagu hayo in nidaamka KMG uu dhamaanayo 20-ka August 2012 ayey saxiixayaashu isku raaceen sidan:

26-ka May 2012, in la sameeyo gudi dhex dhexaadin ah oo ay abuurayaan hogaamiyaasha KMG ah.

1-da June 2012, waxaa lasoo dooranayaa guddi farsamo oo diyaariyo odayaasha dhaqanka ee ansixin laha adastuurka.

20-ka june, gudiga farsamada waxay warbaahinta ku shaacinayaan liiska odayaasha ay soo doorteen, 30-ka June odayaasha lasoo doortay waxaa laga rabaa in ay Muqdisho wada joogaan loona qeybiyo daraafka dastuurka si ay wax uga sii ogaadaan.

2-da July, waxa si rasmi ah u furmaya shirka lagu ansixinayo dastuura, 10-ka July waxa si KMG ah loo ansixinayaa dastuurka.

15-ka July, gudiga farsamada ayaa si buuxda usoo saarayo liiska baarlamaanka cusub.

20-ka July, waxaa la dhaarinayaa xubnaha baarlamaanka.

4-ta August waxaa lasoo dooranayaa gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

20-ka August 2012- waa doorashada madaxweynaha Soomaaliya, sidaasi ayeyna noqon doontaa jadwalka ay ku heshiiyeen saxiixayaasha.

Warmurtiyeekda ayaa waxaa ku jira in cidi carqaladeysaa heshiiskaan talaabo cad laga qaadi doono.

Comments are closed