WAR DEG DEG: Dagaalo culus oo saaka ka qarxay duleedka Muqdisho & Amisom oo qabatay wadada aada Afgooye
Dagaal xoog leh ayaa saaka ka qarxay duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay saaka u jiheysteen degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka bilowday duleedka degmada Dayniile, markii waabarigii saaka ay weerar ballaaran qaadeen Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo wado tagta Afgooye oo duleedka ka ah deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo dagaalka aanu soo gaarin wadada laamiga ah ee KM13 ilaa ceelasha Biyaha.
Qorshaha Ciidamada ayaa ah inay go’doomiyaan Ceelasha Biyaha, isla markaana ay gadaal ka soo galaan, inkastoo wali xaalada tahay mid kacsan.
Dagaalka ayaa si aad ah looga dareemay deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo dadkuna bilaabeen barakac inay sameeyaan, waxaana laga dareemayaa Ceelasha dhaq dhaqaaq ciidan ay wadaan Shabaabka.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku sii socdaan Afgooye, ayna gadaal ka mareen Ceelasha Biyaha, isla markaana qorshahooda yahay inay saacadaha soo socda la wareegaan.
Si kastaba ha ahaatee dagaalada culus ee saaka ka qarxay duleedka Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Taliska cusub ee Amisom uu shaaciyay in dhowaan la wareegi doonaan degmada Afgooye.
"