|

Shirka saxiixayaasha Road Map-ka oo maalintii labaad galay & Urur Goboleedka IGAD oo talo ku bixiyay in Madaxweyne Shariif Hal sano loogu daro

Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka ayaa la filayaa in maanta uu galo maalintii labaad, iyadoo ay jiraan qodobo wali la isku mari la’yahay oo ku saabsan Dastuurka.

Kulankii shalay ayaa ku furmay jawi degenaan, dhoola cadeyn iyo madaxda soomaalida oo isku gacan qaadayay, waxaana goob joog ka ahaa beesha Caalamka.

Inkastoo kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa xalay soo dhamaaday, hadana wali ma jirto is afgarad toos ah oo dhex maray madaxda, waxaana soo baxaya warar kala duwan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku talinaya in Madaxweyne Shariif loo sameeyo muddo kordhin hal sano ah, si howsha Road Map-ka ay u sii socoto, sidoo kale waxay soo jeediyeen in Baarlamaanka is bedel lagu sameeyo iyo in Gudoon cusub la soo doorto.

Balse waxaa arrinkan ka biya diidan beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub oo sheegay in aanay mar kale dhici doonin muddo kordhin.

Madaxda soomaalida ayaa isku haya arrinta dastuurka, iyadoo uu soo baxayo nuqul cusub oo dastuur qarsoodi ahaa, kaasoo ka bedelan kii qabyo qoraalka ahaa oo muranka weyn dhaliyay.

Dhinaca kale Madaxda saxiixayaasha ayaa la filayaa inay kulan gaar ah la qaataan Ra’isal wasaaraha Itoobiya si arrinta loo soo afjaro, maadaama qorshaha shirka yahay mid maanta ku eg.

 

Comments are closed