Shirkii Saxiixayaash Road Map-ka oo ka furmay magaalada Addis Ababa iyo Qodobada qaar oo la isku mari la’yahay
Shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka ee hogaamiyaaasha siyaasada Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shirkan ay goob joogayaal ka yihiin Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo wakiilo ka kala socda dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka.
Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa ku sugan xarunta shirka uu ka socdo ee magaalada Addis Ababa, waxaana shirka agaasinkiisa wada dowladda Itoobiya ee martida loo yahay.
Xubnaha Saxiixayaasha ee Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna ayaa iyana ku sugan kulanka oo wali uu yahay mid albaabada u laaban.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Itoobiya, Ambashador Saciid Yuusuf Nuur ayaa u sheegay BBC-da in shirka uu ku bilowday jawi wanaagsan, ajandaha ugu horeeyana uu yahay dastuurka iyo waxyaabihi uu ka qabsoomay Road Map-ka
Sidoo kale waxaa uu sheegay Danjiruhu in shirkan uu soconayo labo maalin sida qorshuhu yahay, isagoo xusay inay ka badan karto, maadaama arrimaha qaar ee dastuurka markii hore murano ka jireen.
Dhinaca kale Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa la filayaa in maalinta berri uu la kulmo saxiixayaasha Road Map-ka, iyadoo kulankan uu yahay mid guud
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in la isku qilaafsanyahay arrinta dastuurka oo uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ka biyo diidsanyahay qaar ka mid ah qodobada dastuurka.
Dad badan ayaa dhaliilaya in shirkan oo markii hore lagu qabtay gudaha dalka in dibada lagu qabto, iyadoo sheegaya in aanay wax natiijo ah soo kordhi karin.
"