Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna oo sheegay in aanay ka qeyb geli doono shirka saxiixayaasha Road Map-ka ee Addis Ababa
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in aanay marna ka qeyb geli doonin shirka saxiixayaasha Road Map-ka ee maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa.
Shiikh Xeefow ayaa ku eedeeyay Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey ee UNPOS inay dano gaar ah ka wataan shirka, isagoo beeniyay in xubno matala Ahlusuna ay ka qeyb galayaan.
“Ma jirto xubno na matalaya inay shirkaaska qeyb galayaan, anagana run ahaantii kama qeyb galeyno, wax ay wado UNPOS”ayuu yiri Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow.
Waxaa mar wax laga weydiiyay in shalay xubno magaca Ahlusuna matalaya ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho ayuu sheegay in xubnaha baxay ay ka tirsan yihiin dowladda.
“Igaarka la yiraahdo C/qaadir Macalin Nuur, horay anagaa u magacawnay inuu yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir, markii dambe wasiir dowlada ka tirsan ayuu noqday, hadana waa la taliyaha madaxweyne Shariif”ayuu yiri Shiikh Xeefow.
Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa ka mid ah saxiixayaasha Road Map-ka ee heshiisyadii Magaalada Muqdisho, Garowe 1 iyo 2 iyo kii ka dhacay magaalada Galkacyo bishii Maarso ee sanadkan.
"