Chelsea oo markii u horeysay ku guuleysatay Champions League, markii rigoorayaal ay uga badisay Bayern Munich
Kooxda K/cagta ee Chelsea ayaa xalay si lama filaan ah u hanatay Koobka Horyaalada Qaarada Yurub ee loo yaqaano Champions League, kadib markii sagaashankii daqiiqo oo lagu daray waqtiga dheeriga ay bar bar dhac ku kala baxeen, hase ahaatee rigoorayaashii loo dhigay ay 4-3 ku badisay.
Ciyaarta Finalka oo markii hore ku qorsheysneyd garoonka Magaalada Munich ee Alianza Arena oo ay ka dhisan tahay Bayern Munich ayaa nasiibka ka hiiliyay, iyadoo Bayern loo saadaalinayay koobkan.
Labada kooxood ayaa bilowga ciyaarta ku bilowday dar dar xoogan, waxaana Bayern Munich ay durba la wareegtay inay maamusho ciyaarta, iyadoo ciyaartoydeeda ay isla helayaan jaanta kubada.
Fursado badan oo ay heleen qeybtii hore ayay u suura gelisay weysay Bayern inay gool ku dhaliyaan, waxaana fursadahaas qasaariyay Mario Gomez, Arjen Robben, Ribery iyo Mueller.
Qeybtii labaad ee ciyaarta oo labada kooxood mar kale ay dar dar ku soo galeen, ayaa hadana u suura geli weysay inay goolal helaan, hase ahaatee Bayern Munich ayaa aheyd tan had iyo jeer neefta ku celineysay Chelsea.
Daqiiqadii 83aad ee ciyaarta ayaa Bayern Munich ay heshay gool aad u qurux badnaa, markii ciyaaryahan Mueller uu madaxa ku dhaliya karoos loo keenay.
Hase ahaatee tababaraha ayaa qalad sameeyay markii uu bedelay Mueller oo ahaa ciyaaryahankii goolka dhaliyay, kuna soo bedelay difaac,, laakiin ma noqon sidii tababaraha ku taamayay oo ahaa in goolka difaacdo, maadaama ciyaarta gabo gabo aheyd.
Laakiin Fernando Torres oo bedel ku soo galay ayaa ciyaarta wax ka bedelay, waxaana Chelsea labadii daqiiqo ee ciyaarta ka harsaneyd gool madaxa ugu bar bareeyay xidigooda Didier Drogba.
90-kii daqiiqo ayaa ku soo idlaatay bar bar dhac gool iyo gool, waxaana lagu daray waqtigii dheeriga ee sodonka daqiiqo, taasoo ay labada dhinacnba isku mari waayeen, balse rigoore ay heshay Bayern Munich oo loo dhiibay Arjen Robben ayuu ka qasaariyay, waxaana ay aheyd fursad Bayern Munich ugu filneyd inay Koobka ku qaado.
Markii ay soo idlaatay 30-kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ayaa waxaa loo dhigay labada kooxood rigoorayaal, waxaana 4-3 ku badisay kooxda Chelsea oo ku noqotay Horyaalka Kooxaha Yurub, markii u horeysay.
Koobka Champions League ayaa noqday kooxdii u horeysay ee reer London ku guuleysata, waxaana dabaal degyo ka bilowday magaalada London oo taageerayaasha Chelsea ay isugu soo baxeen.
" 