Waxa Lagama Marman ah in Dagaalka Lagu beddelo Wadahadal

Waxaad wada ogsoontihin talda Somalia waqtigaan kuma jirto gacanta Somalia. Haddaba sideebaan dib loogu soo celin karaa. In aan ka talino arimaha dalkeena? In aan arimaha dalkeena ka talinaa waxaa kaliya oo ay ku iman kartaa in la helo rag iyo dumar ka xun ama kadanqanaaya waxa ka socda wadankeena maanta.
Tillaabada u horeesa oo an ku dhaqaaqi karnaa waxay tahay in aan u sheegno dhinacyada is haaya, dhibaatada ka jirta dalka laguma xali karo dagal joogta ah ee waxa kaliya oo lago joojin karaa waa in la wada hadlo la islan agarto inaan dagaal xal lagu garaynin. Waxad wada ogsoon tihin somaliyeey dowlad waxa dalkeed u dhisa dadkeeda ee marna ha is dhihinina in cid kale ay dowlad idiin dhisto.
Caalamku wuxuu idinku soo gurmaday in u cuno idin siiyo waqti yare ee caalamku idinku soo gurman mayo in u idiin dhiso dowlad ideen horseedda nabad iyo deganansho ka dhalata dalkeena. Sidas darted waxa waajib nagu ah dhamanteen in an aayaheena ka tashano. Arinta kobaad waa in lala hadlo labada dhinac ee dagaallamaya, waa dowlad iyo Al-Shabab waxa sababay in cidkasta ee ajnabi ahi ay wadankena ugusoo hawoonaysa waa dagaalada iyo wada hadal laanta dhexdena ka jirto. Tasoo kentay in dadkeeni melkasta ay dhimanaya, ay kana qaxayaan ama ay kacararayan, ayogoo u socda dhul iyo dad aysan oqoon u lahayn. Inta ay sii qaxayaana jidka ay uga tegayaan dad badan ee maras ah, wax bahalo cunaan iyo wax sidooda jidka gaajo ugu dhintay.
Arrinta foosha xun ee shacbiga somaliyeed ku dhacaysa ee sababay dhimashada iyo barakaca baahsan waxa masuul ka ah labada dhinac ee ku dagaalamaya shacbiga dhushiisa waa dawladda iyo Al-Shabab. Waxaan marka koobad idinleenahay oo an marlabad idinlenahay dagalka joojiya shuruud la`ann. Si deg deg ah. ee so wada fariista miiska wadahadalka dhib kasta oo ka dhaca caalamka waxa lagu xalliyaa wadahadal la isaga horyimado, dinac kastana uu caddeesto waxa uu doonayo in dalkan lagu badbadi karo.
Arrinta labad waxay tahay haddiiii aad diiddan talada an idiin soo jeedinayno ee ah inaad joojisaan dagalka gogol nabadeedna ad soo wada farisataan waxa halkaas ka cadaanaya oo ay ogaanayaan shacbiga somaliyeed in aad tihiin labadiina qoloba kuwa loo soo xilsaaray baabi`nta shacbiga somaliyeed. Dhibatada ka jirta dalka Somalia adinka ayaa masuul ka ah. Cidkalena edeen mayno sababtoo ah cidkasta oo kusoo duusha Somali khilafkiina ayaa u sahley.
Arrinta sedexaad waxay tahay haddii labada dhinac ee an kor ku sooshegaay la iman waydan wax qanciya shacbiga somaliyeed. Wixii la idinka yeeli laha jawabteeda waxay u taala dadwaynaha somaliyeed meel kasta oo ay joogan dalka gudihiisa iyo dibadaba. Sidi loo badbadin laha ummadda inti ka hartay.
Mr. Hashi Nure Awdini
"
Labada dhinac oo dagaallamaya mid waliba waxaa dabada kasoo
riixaya quwad uusan war kusoo celinkarin.