Uganda oo ka digtay dilal qorsheysan Shabaab u maleegeyso Siyaasiyiinta iyo Xubnaha Mucaaradka dalkaas
Dowladda Uganda ayaa digniin ka soo saartay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagu fuliyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalkaas iyo Xubnaha mucaaradka ee Uganda, kadib markii la helay warqad digniin oo ka timid Al-Shabaab.
Taliyaha Booliska Uganda Kaila Kayihura ayaa sheegay inay heleen fariin ah in Al-Shabaab u soo dirtay Uganda Koox si aad ah u tababaran, kuwaasoo uu hogaaminayo nin Ugandes ah, waxaana uu xusay inay tababar ku soo qaateen gudaha dalka Soomaaliya.
“Waxaan heynaa cadeymo muujinaya in Shabaab ay u soo direen Halkaan, Kooxo Xag-jiriin ah oo qas iyo fowdo ka geysta”ayuu yiri Taliyaha Booliska oo intaa ku daray in laga feejignaado weeraro laga yaabo inay ka dhacaan Kampala.
Warbixinta ka soo baxday Booliska ayaa sheegeysa in Kooxdan ay ku sugan yihiin Uganda iyada oo isu diyaarineyso in ay qarxiyaan ama si bareer ah u toogtaan hogaamiyaasha mucaaradka oo beryahan ka dhigayey dalkaasi mudaaharaadyo ka dhan ah Dowladda.
Hogaamiyayaasha mucaaradka oo ugu weyn yahay Dr Kisse Bisije ayaa beryahanba samaynayay mudaaharaad iyo gadood ay ku diideen in ay shaqada uga soo baxaan gaadiid iyaga oo soo lugeynaya halki ay baabuur ka raaci lahaayeen.
Waxaa taasi ay uga cabanayaan natiijadi ka soo baxday doorashadi madaxweynaha ee bishi hore ka dhacday dalka Uganda oo uu ku guulestay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musevani.
Dowlada Uganda waxay ugu baaqday hogaamiyaasha mucaaradka in ay ogolaadaan in loo sameeyo ciidamo boolis ah oo waardiyeeyo marka ay ka soo baxayaan xafiisyadooda.
"